Muqdisho, 17-Agoosto-2025: Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf-Dabageed) ayaa garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxa uu ku sagootiyey 50 ruux oo ka mid ah xaq-u-dirirka deegaanka (Macawiisleey) kuwaas oo kasoo kabtay dhaawacyadii kasoo gaaray dagaalka lagula jiro Khawaarijta.
Qaar ka mid ah xubnaha macawiisleeyda ee maanta u safray magaalada Buulo-burte ayaa Dowladda Hirshabeelle uga mahadceliyey garab-istaaga iyo in dib ay ula midoobaan qoysaskooda oo muddo ay kala maqnaayeen.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa kula dardaarmay: “Runtii ma jirto geesinimo ka weyn dhaawiciina kaddib inaad markale ku laabaneysaan fagaaraha dagaalka ee aad ku ciqaabteen Khawaarijta. Tani waxay rejo u tahay shacabka Soomaaliyeed.”
Dowladda Hirshabeelle iyo shacabka xaq-u-dirirka ayaa waqti dheer waxay dagaal adag kula jiraan Khawaarijta kusoo duushay ummadda Soomaaliyeed.
DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda











