CEEL-HAREERI (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya dagaalo ay saaka halkaasi ku dhexmareen Alshabaab iyo macawisleyda reer Hiiraan.
Qaraxa ayaa ahaa mid ay gaari ka soo buuxiyeen walxaha qarxa kaasoo ay ku bilaabeen weerarkooda ay saaka soo qaadeen Alshabaab waxayna ku doonayeen ku laayaan macawisleyda balse ay u suuragashay Alle idinkiis inay fashiliyaan markii ay qaxiteen gaariga intuusa iyaga soo gaarin.
Goobta dagaalku ka dhacay sidoo kalana qaraxyada lagu fashiliyay ayaa ah Deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan halkaasoo saaka ay weerar ku soo qaadeen Alshabaab.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay inay ka adkaadeen alshabaab iskana caabiyeen weerarka ay soo qaadeen,sidoo kale waxay sheegeen in meydadka alshabaab ay daadsan yihiin furimaha dagaalka ee la isku gacan saaray.
XAFIIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
