HALGAN (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in macawisleyda reer Hiiraan weerar dhaba-gal ah ku qaadeen Alshabaab marayay duleedka Magaaladaasi .
War ka soo baxay macawisleyda ayay ku shaaciyeen inay weerarkaani Alshabaab badan ku dileen sidoo kalana ay hub kaga soo furteen alshabaabka ay wadada u galeen.
Meel fagaare ah ayay hubka ku soo bandhigeen macawisleyda iyagoona tusay saxaafada ilaa 6 qorey oo nuuca AK 47 ah oo ay xooga ka soo furteen kooxda Alshabaab.
Wararka laga helaayo macawisleyda ayaa intaasi ku daraya inay alshabaab ka dileen 9 dagaalame inkastoo qoryaha kaliya ay soo bandhigeen ,dhanka Alshabaab wax war kama soo bixin kaasoo ay kaga jawaabayaan hubka laga furtay iyo maleeshiyaadka laga dilay intaba.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

