HomeWarkiiMacawisleyda reer Hiiraan oo weerar dhaba-gal ah ku dilay koox Alshabaab ka...

Macawisleyda reer Hiiraan oo weerar dhaba-gal ah ku dilay koox Alshabaab ka mid ah

MAXAAS (DAYNIILE.COM)- Saraakiil ka tirsan Macawisleyda hubeysan ee Gobolka Hiiraan ayaa saxaafada la wadaagay inay duleedka Magaalada Maxaas ka fuliyeen weerar dhaba-gal ah oo ay ku qaadeen dagaalamayaal Alshabaab ka tirsan oo wadada marayay.

Weerarka oo ka dhacay deegaanka Waab-weyn oo ku dhaw Degmada Maxaas  ayay saraakiisha Macwisleyda waxay ku sheegteen inay ku dileen Alshabaabkii ay wadada u galeen,sidoo kale waxay sheegeen inay hub ka furteen walow aysan xusin tira sugan oo ku saabsan dagaalamayaasha ay laayeen.

Tan iyo markii dhawaan Al-shabaabku qabsadeen degmooyin iyo deegaano ka tirsan barig Hiiraan waxay macawisleydu wadeen dhaq dhaqaaqyo ay ku doonayaan inay db Alshabaab uga saaraan meelihii ay bilihii la soo dhaafay qabsadeen sida Degmooyinka Maxaas,Moqokori iyo deegaanka Tardo.

Inkastoo dhaq dhaqaaqyadaasi socdaan hadana wali ma jirto wax horumar ah oo ciidamada Dowlada iyo macawisleydu ka gaarin damacooda ah inay Alshabaab mar kale ka saaraan Maxaas ama Moqokori o ay ilaa iminka mamulataan Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -