Xarardheere(dayniiile.com)-Sida lagu baahiyay warbaahinta Dowadu leedahay ciidamada deegeenkaan ee Degmada Xarardheere ayaa maanta ka howlgaleen deegaano  dhanka Galbeed kaga beegan magaaladaasi.

Howlgalkaan ay maanta sameeyeen ciidamada Deegaanka ee loo yaqaan Macawisleyda ayay kaga hortageen qaraxyo sida ay sheegeen ay aasayeen kooxda Alshabaab.

Advertisement

Wararku waxay intaas ku darayaan in laba ka mida alshabaabkii miinada aasayay in la dilay markii lagu dhuftay qoriga baasuukaha iyadoo hilbihooda wax yar ka soo hareen.

Sidoo kale waxaa is rasaaseyn ay dhexmartay dagaalyahano Alshabaab ah oo difaac u ahaa kuwa miinada aasayay kuwasoo iyagana qaar laga dhaawacay walow ay baxsadeen.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

May be a black-and-white imageMay be an image of 7 peopleMay be an image of 6 people

Previous articleDuqa Muqdisho oo booqday Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka
Next articleTaliyaha Booliiska iyo Duqa Muqdisho oo tababar u soo xireen ciidamada ilaalinta deegaanka Xamar+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here