machadkaayaa sheegay inay xog ururinta ku ogaadeen in musharaxiintu yihiin afar qeybood oo kala ah A,B,C iyo D qoraal ka soo baxay Machadka ayaa lagu yidhi.

” waxaan wareysi la yeelanay in ka badan 200 oo xildhibaan kuwaas oo kamida xildhibaanada cusub ee baarlamaanka 11aad iyo siyaasiyiin ruug cadaa ah oo dalka iyo dibadiisa ku sugan, xog ururintan ayaan ku ogaanay in Musharaxiinta Madaxweyne marka loo eego awooda ay xilka ku gaadhi karaan iyo kalsoonida lagu qabo kala duwan tahay, qiimeynta ka dib waxaa noo soo baxday in 5 ka mid ah yihiin derejada A kuwaasoo kala ah Xasan Cali Khayre, Xasan Sheekh, Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Deni, 2 derejada B oo kala ah Cosoble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyo sidoo kale Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Cadow Cali Gees oo derejada C ah iyo inta kale oo D ah.

Xildhibaanada iyo siyaasyiinta madaxa banaan ee aan qiimeyntan hor dhignay ayaa isku raacay inta badan in wareega koowaad ay ku soo bixi doonaan 4-ta musharax ee kala ah Xasan Cali Khayre, Xasan Sheekh, Farmaajo iyo Deni waxay kale oo intaas ku daray qiimeyntu haddii aanay tanaasulin laba kamida musharaxiintu in Wareega 3aad ay u soo wada gudbi doonaan Xasan Cali Khayre iyo Deni, waxaana loo badinayaa 15 May in Xilka Madaxweynenimo uu ku guulaysan doono Xasan Cali Khayre”.

Qiimeyntan waxaa la shaaciyay 06- may 2022
Agaasimaha Machadka SSI Khaalid Maxamed Cabdillaahi ” Gadhyare”

Tii ilaaheyna Waa halkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here