Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa fiidnimada Axadda la kulmi doona madaxda sare ee dowladda si uu ugala hadlo sidii loo soo afjari lahaa dibadbaxyada ka socda guud ahaan dalka.

Advertisement

Bayaan ka soo baxay madaxtooyada, Mr. Macron wuxuu la kulmi doonaa ra’iisul wasaare Elisabeth Borne, wasiirka arrimaha gudaha Gérald Darmanin iyo wasiirka caddaaladda Eric Dupond-Moretti si uu ugala hadlo arrintan.

Ugu yaraan afar maalmood ayaa dalka oo dhan waxa ka socday mudaaharaadyo kaddib markii askari booliis ah uu wiil 17 jir ah ku toogtay magaalada Paris.

Halkaas oo lagu gubay dukaamo, baabuur iyo dugsiyo, laguna burburiyay dhismayaal dowladeed.

Ayeeyada wiilkan dhalinyarada ah ayaa ku baaqday in la dejiyo colaada ka dhalatay dilka wiilkeeda.

“Ma doonayno inay burburiyaan dukaamada dadka, ama baabuurta iyo dugsiyada,” ayey Nadia u sheegtay BFM TV.

Ayeeyada wiilka ayaa ka cabatay in mudaaharaadayaashu “ay ku dhuumanayaan arrinta Nahel, markaa waxaan rabnaa xasillooni” ayey sii raacisay.

Nairobi

Previous articleIran oo diidday in ay safiir u dirto Sweden kadib kitaabkii qur’aanka ee lagu gubay
Next articleXiisad mar kale ka soo cusboonaatay Qabuuraha Macallin Nuur oo ku yaalla gudaha deegaanka Garasbaaley

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here