CAMAARA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Degmada Camaara ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in  xalay kooxda Alshabaab  halkaasi madaafic ku soo garaaceen.

Weerarkaan madaafiicda oo ahaa Hoobiyayaal ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac markii mid ka mida Hoobiyayaashu ku habsaday guri dad shacaba daganaayeen.

Advertisement

Wararku waxay intaasi ku darayaan guriga madfacu ku dhacay ay ku dhibteen hooyadii iyo aabihii qoyska sidoo kalana uu ku dhaawcmay qof isla qoyska ka tirsan.

Kooxda Alshabaab ayaa war ay soo saareen waaxay ku sheegteen inay iyagu ka danbeeyaan weerarkaasi madaafiicda ah islamarkaana ay la beegaadeen xero milatariga Somalia degan yahay.

Dhanka Maamulka Galmudug iyo Dowlada dhexe ee dalka midkoodna wali kama hadlin weerarkaasi  dadka rayidka ah lagu laayay.

XAFIISKA WARARKA 

DAYNIILE.COM

Previous articleC/raxmaan C/shukuur muxuu ka yiri weerarkii xerada Gordan
Next articleShariif Sheekh Axmed oo ka hadlay dhacdadii Xerada Jen.Gordan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here