Muqdisho, 28 November 2023: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Kuxigeenada Maamulka G/Banaadir, Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta XFS iyo xubno kale ayaa caawa kormeer ku tagay wadada dheer ee isku xerta Isgoyska Dabka illaa Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, oo waxyeelo xoogan ay kasoo gaartay Roobabkii El-Nino ee ka da’ay Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ayaa halkaasi warbixin ku siiyay Guddoomiye Madaale, xilli ay ku guda jireen dadaalo lagu hagaajinayo wadadaasi, si xal loogu helo bur-burka soo gaaray iyagoona sheegay in dhawaan lasoo gaba-gabeyn doonno qorshaha dib-u-dhis ee wadadaasi.
Duqa Muqdisho ayaa kula dar-daarmay Maamulada Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag in ay juhdi fara badan geliyaan dadaalada socda ee xalka loogu raadinaayo sidii dib loogu dhisi lahaa wadadaasi, isla markaana isku socodka gaadiidka iyo bulshada uu si caadi ah ugu soo noqon lahaa.
Roobabka El-Nino ee ka da’ay guud ahaan dalka ayaa sababay qasaaro isugu jira barakac, bur-bur iyo aafooyin kale oo saameyn ku yeeshay nolosha iyo kaabayaasha isku-socodka dalka, iyadoona guud ahaan DFS, Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay dadaal ugu jiraan sidii loo maareyn lahaa saameynta ka dhalatay roobabka El-Nino.
—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗—
May be an image of 9 people and suitMay be an image of 7 people, road and streetMay be an image of 9 people and suitNo photo description available.May be an image of 6 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 4 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of snowplough, street and textMay be an image of 9 people and dais
Previous articleWasaarada Gaashaandhiga Somalia oo soo dhaweysay taageerada cusub ee Midowga Yurub
Next articleMasuul ka farxiyay Boqol Gabdhood kadib markii uu mar qura wada guuriyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here