Siyaasiyiinta Madasha samatabixinta ayaa goor dhaw waxay soo saareen Warsaxaafadeed weerar ku ah Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyagoona meelaha qaar ku goodiyay.
“Madashu waxay u aragtaa xeerka doorasho, kan Xisbi iyo Guddiga Doorashada ee uu Madaxweynuhu samaystay in ay yihiin shaati isaga ku jin ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Madasha Samatabixinta waxay ka digaysaa halista ku geedaaman iyo natiijada ka dhalan karta doorashada qoriga iyo qafaalka ah ee uu maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh ka wado Gobolka Banaadir, iyadoo aan la ogayn Maqaamka Caasimadda, heshiisna lagu ahayn hanaanka, sharciga iyo guddiga doorashada.


