Madasha Xisbiyada Qaranka oo weerar Afkaa ku qaaday Ciidamada Etoobiya ee Gudaha Soomaliya Jooga

0

Qoraal ay wadajir u soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran, Xisbiga Wadajir, Isbabeysiga Xisbiyada Hiigsi iyo isbaheysiga isbeddel doonka 1-da luulyo ayaa lagu cambaareeyey Xad-gudubka Ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneyn AMISOM ay ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya.

Axsaabtan mucaaradka ah ayaa Ciidanka Itoobiya ku eedeeyay inay faragelin ku hayaan Arrimaha gudaha Somalia

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in Ciidanka Itoobiya loo adeegsaday doorashooyin ka dhacay qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada dalka, isla markaana shacabka Soomaaliyeed u geystaan dhibaatooyin kala duwan.

Waxaanu aad uga xunnahay dayuuradii dhawaan Ciidanka Itoobiya ku soo rideen agagaarka Garoonka dayuuradaha degmada Bardaale ee Gobolka Bay, taasoo ay ku geeriyoodeen dhamaan dadkii la socday oo gaarayey lix qof.

Isbaheysiga mucaaradka ayaa qoraalkooda waxay u direen labada Aqal ee Baarlamaanka dalka oo loogu loogu baaqay inay baaritaano ku sameeyaan Ciidanka Itoobiya ka jooga Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MADASHA OO KU QORAN LUUQADA ENGLISH-KA

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here