Muqdisho, 25 Nov 2023: Madaxweyneyaasha dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ( Kenya, Tanzania, Uganda, J.D. Congo, Burundi, Rwanda iyo Koonfuurta Sudan) ayaa Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, shacabka iyo dowladda ugu hambalyeeyay ku biiritaanka Soomaaliya ee Urur Goboleedka EAC.

Waxay madaxdan bogaadiyeen horumarka iyo dib u soo kabashada dariiqa toosan ku socota ee Soomaaliya ee horseedday in looga maarmi waayo ku biiritaanka EAC, iyo inay Soomaaliya door ku yeelato arrimaha masiiriga ee gobolka.

Advertisement

Waxaa hambalyo taas la mid ah ay ka timid Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Urur Goboleedka Bariga Afrika, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Bankiga Adduunka, UK iyo dalal kale.

Madaxweynihii hore ee DKMG ee Soomaaliya Mudane Sharif Sheekh Axmed, Raiisul Wasaareyaashii hore Cali Maxamed Geeddi, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble, ayaa iyaguna soo dhoweeyay ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC, iyagoo dhanka kale tilmaamey in talaabadan ay fursad ugu jirto Soomaaliya iyo dalalka gobolka intaba.

Soomaaliya ayaa Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika si rasmi ah shaley xubin uga noqotey, kadib markii madaxda ururka ay aqbaleen codsiga Soomaaliya.

Previous articleWareer soo wajahay Ganacsatada Muqdisho qaarkood kadib amarkii kaamirooyinka
Next articleDowlada oo tira koob cusub ku sameysay dadka ilaa hada ku geeriyooday Roobabka iyo Fatahaadaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here