Muqdisho (dayniiile.com)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta shir ku qaatay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa Howlgalka ATMIS iyo Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya.
Madaxa Atmis Danjire Souef Mohamed El-Amine iyo Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, H.E. Mukhtaar M. Ware  waxay isla soo qaadeen arimaha Soomaaliya gaar ahaan howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ama Atmis ee Soomaaliya ka howlgala.
Labada Masuul qodobada ay ka wada hadleen waxaa ka mida
Waajibaadka ATMIS, xaaladda amniga ee Soomaaliya , iyo in la iska kaashado xasilinta iyo geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya.
Kulankaan ayaa ku soo aadaya xili dhawaan  Dowlada Soomaaliya ku guuleysatay dalabkeedii ahaa in mudo 3 bilood ah dib loo dhigo ciidamo Atmis ah oo dalka Soomaaliya laga saari rabay kuwaasoo qeyb ka ahaa dhimista ciidamada Atmis ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa xusay inay dagaal kula jiraan Alshabaab sidaas daraadeed ay ciidamada Atmis ka rabaan inay la sii joogaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 6 people, newsroom and textMay be an image of 4 people and text that says "ATMIS AFRICAN UNION TRANSITIO MISSION AIANINSOA SOMALIA Supporting Somali-led Peace and Security Process Afriçan Union ATMIS 1 TRANSI MISSION ATMIS Supporting a Somali-led Peace and surity p ess NIVS ATMIS 1 ONIN SOMALIA ANUMONTRANSI"
Previous articleMorocco, Spain iyo Portugal oo wada-jir u marti gelinaya Koobka Aduunka sanadka 2030-ka
Next articleDEG DEG : Baladweyne oo Caawa lagu dilay haweeneey caan ahayd iyo nin Ganacsade ahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here