Muqdisho (dayniiile.com)-Waxaa maanta Xarnta Xalane ee Magaalada Muqdisho kulan ku wada yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa Atmis Danjire Souef Mohamed El-Amine iyo La taliyaha Amniga Qaranka.

Masuuliyiintaan ayaa kulankooda waxay iskula soo qaadeen wada shaqeynta Dowlada iyo Atmis iyo xaaladaha ugu danbeeya.

Advertisement

La-Taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh-Cali iyo Madaxa Atmis waxay sidoo kale isla soo qaadeen dhaqan celinta Waajibaadka shaqo ee ATMIS, hannaanka kala guurka ee amniga.

Sidoo kale waxay isla soo qaadeen dadaallada xasilinta ee ka socda dalka gaar ahaan dagaalada gobolada dalka Somalia ka jira.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMaamulka Puntland muxuu ka yiri iska hor-imaadkii dhimashada sababay ee ka dhacay Garowe
Next articleWasiirka Caddaalada oo Muqdisho kula kulmay safiirka dowladda Ingiriiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here