Muqdisho (dayniiile.com)-Madaxa Atmis  Danjire Souef Mohamed El-Amine ayaa arbacadii shalay ku qaabilay Magaalada Muqdisho Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern.

Xaalada amni ee Soomaaliya ayay ka wada sheekeysteen gaar ahaan  hanaanka kala guurka amni ee socda iyo taageerada ay Atmis siiso dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dadaallada ay ku doonayso in lagu gaaro nabad iyo horumar waara.

Advertisement

labada Masuul waxay isla faaqideen dhimista ciidamada Atmis xiliga ku haboon iyo codsigii ugu danebeyay ee Dowlada Soomaaliya taasoo ahayd dib u dhigista mudo sedex bilood ah inay Atmis bilowdo sidii ay askarteeda uga dhimi lahayd Soomaaliya.

Dowlada Sweden ayaa ka mida dalalka reer Galbeedka ee dhaqaalaha ugu deeqa howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee ku jooga magaca Atmis.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

May be an image of 3 people, people studying, newsroom and textMay be an image of 4 people and text

Previous articleQalabka digniinaha fatahaada wabiga oo markii ugu horeysay ebid Somalia laga hirgeliyay Baladweyne
Next articleQarax Khasaare nafeed  gaystay oo xalay ka dhacay Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here