Madaxa Howlgalka Nabad ilaalinta Somalia ee AUSSOM Amb. El Hadji Ibrahima Diene ayaa la kulmay Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya General Charles Muriu Kahariri,wuxuuna kala hadlay arimaha Somalia.
Madaxa AUSSOM wuxuu Kenya ugu horeyn uga mahadceliyay sida baaxadda leh ee ay uga qaybqaadanayaan nabadda, sidoo kale wuxuu ku amaanay shaqadooda Somalia ay ka hayaan.
“xirfada iyo geesinimada ciidamada Kenya kaga howlgalaan Somalia waxay sharaf u tahay qaaradda oo dhan”ayuu yiri Madaxa AUSSOM Ibrahima Diene
Taliyaha ciidamada Kenya mar uu ka hadlayay arimaha Somalia ayuu aad u soo dhaweeyay guulaha Soomaaliya ay gaartay ilaa iyo hadda, wuxuuna taageertay in si buuxda loo fuliyo waajibaadka AUSSOM.
Howlgalka AUSSOM iyo Kenya waxaa ka go’an in la wanaajiyo iskaashiga lagu taageerayo geedi socodka Nabadda iyo Amniga ee ay Soomaalidu hogaamiso sida ay sheegeen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 


