Advertisement

Madaxa fulinta Midowga Yurub ayaa sheegay maanta oo Talaado ah in si ku meel gaar ah loo hakiyay bixinta gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya, kaddib markii baaritaan ay sameysay Qaramada Midoobay lagu helay xatooyo baahsan iyo si xun u adeegsiga taageerada la doonayo in looga hortago macluul.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa saraakiil sare oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa si gaar ah u sheegtay Isniintii in guddiga Yurub uu si ku meel gaar ah u hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray hay’adda cunnada adduunka ee WFP ee Soomaaliya, sababtuna waa natiijada ka soo baxday Qaramada Midoobay.

 

Talaadadii, afhayeen u hadlay guddiga Yurub, Balazs Ujvari, ayaa xaqiijiyay joojinta ku meel gaarka ah.

“Guddigu ma codsan in la joojiyo hawlaha bani’aadanimo ee Soomaaliya: sida caadiga ah, hawlgallada socda waxay heleen maalgelin horudhac ah oo ah 80% welina waxaa lagu fulin karaa maalgelintan bilowga ah,” ayuu yidhi.

“Si kastaba ha ahaatee, iyada oo la tixgelinayo arrimaha ay soo gudbisay warbixinta ay khuseyso, Guddigu waxay ahayd inay qaadaan tallaabooyin taxaddar ah si loo ilaaliyo lacagaha EU-da sidaas darteedna lacag-bixinno dheeraad ah ayaa si ku-meel-gaar ah loo hakiyay ilaa caddayn iyo xaqiijin laga helayo xalinta arrimaha la aqoonsaday.”

Baaritaanka Qaramada Midoobay ayaa lagu soo gabagabeeyay in mulkiilayaasha dhulka, maamulada maxalliga ah, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha samafalka ay dhamaantood ku lug lahaayeen xatooyada gargaarka loogu talagalay dadka nugul.

Labo qof oo Soomaali ah oo gaaray xerada Muuri ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho kadib markii ay ka soo carareen gaajo iyo colaado ka taagan baadiyaha ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters mas’uuliyiinta deegaanka in ay ka xayuubiyeen gargaarka.

Deeq-bixiyeyaashu waxay kordhiyeen dhaqaalaha ay siiyaan Soomaaliya sannadkii hore iyadoo saraakiisha bini’aadantigu ay ka digeen macaluul soo fool leh oo ka dhalatay abaartii Geeska Afrika ee ugu xumayd muddo tobanaan sano ah. Ilaa 43,000 oo qof ayaa sannadkii hore u dhintay abaarta, sida ay cilmi-baarayaashu ku qiyaaseen

Miisaaniyadda gargaarka bini’aadantinimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu qiyaasay 72 milyan oo Yuuro ($77 milyan), taas oo 10 milyan oo Yuuro ($10.68 milyan) ka mid ah loo qoondeeyay WFP.

Mareynkanka ayaa ilaa hadda ah deeq bixiyaha ugu weyn ee deeqaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya. Sannadkii hore, waxay ku biirisay in ka badan kala badh $2.2 bilyan oo maalgelin ah oo ku baxday wax ka qabashada bini’aadantinimo ee halkaas.

Saddex bilood ka hor WFP iyo Hay’adda Maraykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID) waxay hakiyeen cuntadii gargaar ee ay siin jireen dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, taas oo jawaab u ah deeqaha oo si baahsan loo leexiyo.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda USAID, oo magaciisa ka gaabsaday, ayaa sheegay Isniintii in xaaladda Itoobiya iyo Somaliya ay kala duwan yihiin, isla-markaana aanay hay’addu qorsheynayn inay hakiso gargaarka cuntada ee qaybta dambe.

($ 1 = 0.9363 euro)

($ 1 = 0.9364 euro)

 

 

Previous articleMadaxda Turkey iyo Israel oo markoodii ugu horeysay kulmay.
Next articleWarbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here