Advertisement

Advertisement

Elon Musk, wuxuu xarafka “W” ka qariyay ereyga Twitter sii uu u noqdo “Titter”, sida lagu arkay boorka shirkadda ee ku dhegan xarunta dhexe ee shirkadda ee magaalada San Francisco ee gobolka California, Maraykanka, sida aad ku aragtaan (Sawirka 1-aad).

Muska ayaa is beddel kadib wuxuu bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawirkaas 2-aad oo ah xaraf “W” oo rijni la mariyay (sawirka 2-aad fiiri).

Musk, wuxuu yiri: “Waxaa naloo sheegay in sharci ahaan naga la rabo in aan magaca Twitter ku ilaalino sida uu yahay, oo aanan wax laga tirtiri karin, sidaas darteed waxaan rinjiyeeyay xarafka “W”.

Musk, markii uu magaca shirkadda ka qariyay xarafka “W”, si uu u noqdo “Titter”, wuxuu kala kulmay dhaleeceyn adag, isagoo markii dambe bartiisa Twitter-ka ka saaray sawirkaas oo ah (Sawirka 1-aad fiiri).

Dhawaan ayey ahayd markii uu Elon Musk beddelay astaanka caanka ee shirkadda Twitter oo ah “shimbirta, wuxuuna ku beddelay astaan “Eyga”, gaar ahaan astaanta lacagta dhijitaalka ah ee Doge Coin, kadibna dib ayuu ugu soo celiyay shimbirtii buluuga ahayd (sawirka 3-aad fiiri).

 

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here