GAZA (DAYNIIILE.COM)-Madaxa Hay’ada cuntada Dunida ee QM ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ka digaya faafitaanka cudurka ‘ dilaaga ah ee gaajada ee xiligan ka tagan Marinka Gaza.

Masuulkaan ayaa sameeyay codsigiisii ​​ugu dambeeyay ee lagu joojinayo dagaalka, isagoo ka digay isku-darka cudurada, gaajada, nadaafad la’aan iyo colaada isg darsoontay shacabka reer GAZA.

Advertisement

“Gaajadu waxay daciifisaa difaaca jidhka waxayna furtaa albaabka cudurrada, Qasa waxaa la kulmaysaa heerar sare oo ka mid ah cudurrada faafa,” ayuu yiri Madaxa WHO

Sarkaalkaan wuxuu intaasi ku daray in kiisaska shubanka ee carruurta shanta sano ka yar ay hadda 25 jeer ka badan yihiin tirada ka hor iskahorimaadka.

“Cudurrada noocan oo kale ah waxay halis u noqon karaan carruurta nafaqo-darradu hayso, si ka sii daran marka ay maqan yihiin adeegyo caafimaad oo shaqeynaya,” ayuu mar kale yiri Madaxa Hay’ada cuntada Dunida ee QM ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus.

=SOURCE ALJAZEERA=
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
ImageImageImageImage

Previous articleDhimadhada shacabka Gaza oo gaartay 20 kun
Next articleGudiga Maaliyada Labada Aqal oo la xisaabtamay Wasaarada Maaliyada Somalia+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here