Dad badan ayaa Aaminsan in madaxwayne farmaajo soo laaban karo halka dad kale qabaan in uusan soo laaban doonin, dadka labadaas fikrad qaba ayaa aas aas uga dhiga rabitaankooda iyagoon wax saadaal iyo tixraac ah ku samayn taariiqda doorashada soomaaliya & Xaalka markaas taagan.

Waxaan qoraalkaan ku faaqidayaa siyaasadda soomaaliya iyo waxa saacida musharax walba oo ku guulaysta kursiga madaxtinimo, sida aan taariiqda dhaw kusoo aragnay Masuul walba oo dalkaan madaxwayne ka noqda waxaa jirtay xaalad u saamaxday in uu noqdo mid ku guulaysta hanashada kursiga,

Sheeq shariif waxa uu jaanis ka helay xili ay taagneeyeen caqabado badan oo siyaasadeed iyo dhan Amni, waxaa jiray isbahaysi Afar geesood ah oo dagaal kula jiray Dowladdii Uu hogaaminayay Cabdullaahi yuusuf, Afartaas isbahaysi oo kala ahaa Ciidankii Maxaakiimta, Ciidankii Shabaab , Taageerada Koox wadaniyiin la oran jiray oo taageero dhaqaale siin jiray kooxahaas dagaalka kula jiray ciidankii Ethobia & Koox Xamaasad Qabiil kula dagalaaysay Cabdullaahi yuusuf oo Aaminsanayd in Qabiilkooda iyo deegaankooda lagusoo duulay,

Si loo kala furi Afartaas koox loona qaboojiyo Xaaladda dhiiga badan ku daatay ee taagnayd, sheeq shariif ayaa loo arkay in uu yahay ninka kala saari kara Afartaas koox, waxay ahayd fikrad lagu guulaystay oo markii uu xilka qabtay sheeq shariif waxaa kala furmay afartaas koox, ciidankii Maxaakiimta, Ciidankii Qabaliga ee Hawiye iyo Taageeradii Wadaniyiinta Qurba joogta intaba waxay soo raaceen Sheeq Shariif, taasoo saamaxday jawi degan oo ka badalan Xaaladdii lagu Jiray,

Xassan sheeq maxamuud waxa uu yimid xilli Dhanka Amniga hagaagay oo Dowladdu heshay Nafis lana fuliyay inta badan Qorshihii loo Doortay sheeq shariif, waxaa la rabay in lahelo Hogaan dhaqaajiya Siyaasadda dalka oo Wadanka gaarsiiya jidka soo kabashada Dowlad wannaaga, waxaana Xassan sheeq loo Arkayay Masuul dhaqaajin kara howlahaas oo fahmi karaa siyaasadda beesha caalamka ee ku aadan soomaaliya, inta badan beesha caalamka ayaa kaniyad jabtay Dowladdii uu hogaaminayay Xassan sheeq ,waxaana loo arkay hogaan Musuq maasuq badan,

Afar sanno kadib waxaa xoogga lasaaray sidii loo heli lahaay hogaan la dagaalama Musuq maasuqa Taabagaliyana Hanaan Dowladnimo,

Farmaajo ayaa helay jaaniskaas iyadoo lagu qiimaynayo Bilooyinkii uu ahaay Ra-isul wasaaraha xiligii sheeq shariif, bilahaas ayuu muujiyay xoogaa daah furnaan iyo Taabagalin siyaasad dhaqaale oo degan siiba dhanka ciidanka, Afartii sano ee lasoo dhaafay Farmaajo waxa uu xejisanayay Taabagalinta hanaanka dhaqaalaha iyo Yaraynta Musuq maasuqa, waxa uuna mar walba ka cararayay in ciidanka iyo shaqaalaha rayidka noqdaan mushaar la’aan,

Hase ahaatee Labadii sano ee ugu dambaysay waxaa dhacay Waxyaabo migdi galiyay rajadiisa, Burburinta Dimoqoraadiyadda iyo Abuurista Awood bilaa sharci ah, waa laba kamid ah Waxyaabaha wiiqay sumcadda Madaxwayne Farmaajo, soomaaliya ayaa qarka u fuushay dagaal sokeeye oo halis galiyay Amniga iyo Jiritaanka Dowladnimo, waxaana loo dhawaaday in dib loogu laabto meel lagasoo gudbay 8deed sano kahor,

Inta badan beesha caalamka ayaa dhaliilsan Hanaanka Sadaxda Dowladood ee Soomaaliya, Ethobia & Ereteria ku heshiiyeen, kaasoo loo arko hanaan kaligii talisnimo oo Loo maleegay gobolka geeska afrika,

Siyaasaddadunida maanta waa mid isku xiran, Wadamada sida gaarka ah loogu xanto in ay faragaliyaan siyaasadda soomalaya gaar ahaan doorashada, waa wadamo ay adeegsadaan gacmo iyaga ka tun wayn oo daaha gadaashiisa wax ka maamulo, Qatar iyo Emaaraat mar walba waxay Fuliyaan ama qorshayaashooda kasoo ansaxsadaan Midowga yurub & Amerika, Wax aysan labadaas raali ka ahayn marna kama fuliyaan Mandiqad kamid ah Caalamka,

Waxaana hubanti ah in xiligaan laga gudbay kuna hir kuftay siyaasadda Madaxwayne farmaajo beesha caalamka horteeda, waxaana xaqiiq ah in la raadinayo Siyaasad looga gudbo halistii laga badbaaday ee Hogaanka hadda u horseeday dalka & Dowladnimada soomaaliya,

Soomaaliya siyaasaddeeda waa dabaq kor loo fuulayo oo la taagan Jaranjarada hoose, jaranjartii lasoo marana dib looguma laabto, sidaa awgeed Jaranjarta Nabad & Nolol waa mid lasoo arkay saantana lagalasoo gudbay, maanta waxaa loo baahan yahay siyaasi Meesheeda kasii wada guulihii lagaaray ee dhanka dhaqaalaha iyo Miisaaniyadda, kana duwan dhaqan ahaan dhaqanka awoodda kaliya ku dhisan ee xeerka tuuray,

Waxaan kusoo afmeerayaa qoraalkayga, Soomaaliya waxay la kulantay halis dib udhac Muddadii ay taagnayd muranka doorashada, hogaanka Nabad & Nololna waxaa laga fujin waayay Awood maroorsi illaa ay gaarto Xabbad iyo Xoog, Maraakasoo lagaaray Xal ay keentay duruufta, waa siyaasad aan lagu laavan

Qore IbraahimHassan Awale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here