Kismaayo (dayniiile.com)-Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay ka hadlay roobabka iyo dhibaaooyinka ka dhashay ayaa shaaciyay maanta tirada dadka ku geeriyooday roobabka iyo fatahaada wabiga Jubba.
Madaxaweyne Axned adoobe wuxuu ugu horeyn xusay magaalooyinka ay roobabka Elnino saameynta ku yeesheen sida Garba-haareey, Luuq, Baardheere, Doolow, Buurdhuubo, Jamaame, Dhoobley iyo Ceelwaaq .
Advertisement
Axmed Madoobe wuxuu shaaciyay in guud ahaan ay roobabkaan ku geeriyoodeen 14 qof kadib fatahaadaha iyo daadadka soo rogmaday
Madaxweynaha Dowladda Jubaland oo ka hadlay saameynta xooggan ee ka dhalatay daadadka iyo fatahaadaha ayaa sheegay in degmooyinka Luuq, Baardheere, Doolow, Buurdhuubo, Jamaame, Dhoobley iyo Ceelwaaq ay galeen xaalad aanan wanaagsanayn islamarkaana ay kusoo rogmadeen daadad xoogan oo qaarkood dad ku dhinteen.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dad gaaraya 14 qof ay ku dhinteen fatahaadaha iyo daadadka soo rogmaday,
Xarunta Gobolka Geddo ee Garbahaarey ayuu sheegay Madaxweynuhu inay 6 qof ku dhinteen, sidoo kale Degmada Baardhee waxaa ku dhintay 4 qof halka degmada Ceelwaaq iyo gobolka Jubada dhexena ay ku dhinteen min 4 qof.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
DAYNIIILE.COM