Madaxaweynaha Putin ayaa amar ayuu ku bixiyey in si adag loo hareereeyo wershada birta ee ku taalla magaalada lagu hareereysan yahay ee Mariupol laakiin aan duullaan lagu qaadin halkaas oo ay ku jiraan kooxo wax iska caabbin ah oo u dhashay dalka Ukraine.

Wershadda birta Azovestal ayaa ah wershad weyn oo ku taalla dhul dhan 10 kum sq dhanka koofur bari oo magaalada Maruipol waxayna haatan noqotay xarunta ugu dambeysa ee kooxaha wax iska caabbinta Ukraine eek u sugan Maruipol .

Gudaha wershadda waxaa ku sugan rayid iyo dagaalyahano intaba .

Ruushku waxay isugu hambalyeeyeen qabsashada Maruipol waxayna qabsashada magaaladaasi muhiim u tahay Mr Putin sababtoo ah waxay siineysaa dhul uu isaga gudbi karo Ukraine iyo Crimea oo ay Ruushku qabsadeen sanadkii 2014.

Wasiirka Arrimha dibedda ee Ukraine ayaa sheegay in magalaada Maruipol .aanay hataan aheyn magaalo taagan isagoo ula jeeda in ay ku duntay weeraradii ciidamada

Ruushka ee dhacayey toddobaadyadii la soo dhaafay.

Dmytro Kuleba ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay go’aansadeen in maaalada Mruipol ay dhulk la simaan wax kasta oo ay ku qaadatab

Office Nairobi Kenya

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here