George Weah

XIGASHADA SAWIRKA,.

Qoraalka sawirka,George Weah

Maanta waxa ay ka midyihiin madaxda caalamka, qaarkood ayaaba waliba hormuud ka ah dalalka adduunka ugu saamaynta badan, balse noloshoodii hore waxa ay soo ahaan jireen ciyaartooy ama dad fanka ku jira.

Goege Weah , Madaxweynaha Liberia

Waa 55 jir, waana madaxweynaha haatan ee dalka Galbeedka Afrika ku yaala ee Liberia, wuxuuna xilka qabtay sanadkii 2018-kii, isaga oo ka tirsan xisbiga Congress for Democratic Change. Waxa uu xilka kala wareegay haweenaydii ugu horeysay Afrika ee madaxweyne noqota Ellen Johnson Sirleaf.

Ka hor inta uusan madaxtooyada fariisan, waxa uu ahaa xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare.

Waa ciyaartooygii ugu horeeyay oo ahaa ciyaartooy kubbada cagta oo dal madaxweyne ka noqda. Muddo 14 sano ah ayuu ka yiraarayay dalalka Yurub, sida Fransiiska, Talyaaniga iyo Ingiriiska, halkaas oo uu u saftay kooxaha ka jira.

Waxaaka mid ah kooxaha Monaco, Paris Saint-Germain, AC Milan, Chelsea, Manchester City iyo kooxda Marseilla.

Adduunka waxa uu la qabsaday siyaasiyiin kasoo jeeda qoysas horey siyaasadda ugu jirey, balse Weah aad buu iga duwanyahay.

Xigasho Bbcda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here