Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa saakay gaaray Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhaxe .

Cali Guudlaawe iyo masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle ayaa u gaaray Degmada Warsheekh dhameynta dagaal beeleed mudooyinkii dambe kusoo laab laabtay degmada Warsheekh iyo duleedkeeda.

Madaxweynaha Hirshabelle iyo masuuliyiinta la socotay ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka ee Degmada Warsheekh iyo sidoo kale masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada ee jooga Degmadaasi.

Maamulka Hirshabelle ayaa marar badan ku guul dareestay dhameynta dagaal beeleedyo kusoo noq noqday deegmada Warsheekh iyo Duleedkeeda, waxaana maamulka mar kale hada doonayaa in la dhameeyo colaada salka ku heysa aanooyinka qabiil.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaana la filayaa in dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho oon wali ka furmin shirka la filayo in uu dhax maro madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here