
MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Allaha u naxariistee waxaa maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho Liibaan Xaashi Ciise oo ka mid ahaa ilaalada Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Khyre oo shalay ciidamada Dowladu ku dileen dagaalkii ka dhacay afaafka hore ee saldhiga Degmada Warta Nabada ee Magaalada Muqdisho.
Inta badan siyaasiyiinta mucaaradka samatabixinta ayaa soo xaadirey kuwaasoo salaada janaasada ku tukaday Marxuum Liibaan Xaashi Ciise Allaha u naxariistee.
Siyaasi Xasan Cali Kheyre oo salaada Janaasada iyo aaska kadib hadal kooban jeediyay ayaa sheegaya in Allaha u naxariistee, Liibaan Xaashi Ciise loo dilay si arxan darro ah isagoo aan waxba galabsan, una gurmanaya dad Soomaaliyeed oo la dhibaateeyay.
“Allaha u naxariistee Liibaan Xaashi Gobannimo ayuu ku dhintay, dadaalkii uu ku geeriyoodayna waxaan rajeynayaa inuu guuleysto”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre
Xassan Cali Kheyre wuxuu ugu baaqay Soomaalida inay u halgalmaan inay gacmaha is qabsadaan islamarkaana dhibka jira ka dhiidhiiyaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM









