HomeWarkiiMadaxda sare ee Dowlada oo u Hambalyeeyay Madaxweynaha iyo ku xigeenka...

Madaxda sare ee Dowlada oo u Hambalyeeyay Madaxweynaha iyo ku xigeenka Maamulka Waqooyi Bari

Muqdisho, Ogoosto 30, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Madaxweyne Kuxigeen Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay hoggaaminta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweynaha oo bogaadiyey bisaylka ay muujiyeen Xildhibaannada, Guddoonka iyo musharraxiinta Madaxtinimada ee ku loollamay Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa Alle uga rajeeyey Hoggaanka la doortay in uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda culus ee hortaalla.

“Waxaan u rajeynayaa Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil in uu ka yeelo hoggaan mideeya bulshada Waqooyi Bari, kana shaqeeya nabadda, horumarka iyo dowladnimada. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay in ay garab istaagto dowlad-goboleedka si wadajir loogu xaqiijiyo dhammaystirka Federaaleynta”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey bulshada iyo hogaanka cusub ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari in ay adkeeyaan midnimada, wadajirka iyo iskaashiga, si looga gudbo caqabadaha jira loona gaaro horumar waara.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of 2 people and text
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Awcali (Firdhiye), iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo maanta ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Laasacanood.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in doorashadani ay muujinayso biseyl siyaasadeed iyo dadaalka shacabka Waqooyi Bari ay ugu jiraan helitaanka adeeg dowladeed oo dhammeystiran, isaga oo tilmaamay in qabsoomidda doorashadan ay xoojinayso dowladnimada, ayna muhiim u tahay adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dadaal badan gelisay xoojinta nidaamka dowladnimada iyo horumarinta hannaanka Federaaleynta dalka maantana la gaaray miro-dhalka dadaalladaasi.
Ra’iisul Wasaaraha, oo bogaadiyey kaalinta ay ka qaateen Xildhibaannada iyo shacabka Waqooyi Bari doorashadan dimuqraadiga ah, ayaa u rajeeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka cusub in ay noqdaan hoggaan ka shaqeeya midnimada bulshada, wadajirka, isla markaana ay mudnaanta siiyaan danaha shacabka Soomaaliyeed.
— Dhammaad —May be a graphic of 2 people and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -