Recep Tayyip Erdogan Madaxweynaha Dalka Turkiga iyo Benjamin Netanyah oo ah Ra’iisul wasaaraha Israel ayaa markoodii ugu horeysay kulan isku soo hor fariistay.
Labada masuul oo ay wehliyeen masuliyiin dalalkooda ayaa isku arkay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka halkaasoo uu ka socdo kulanka guud ee sanadlaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobe.
Labada masuul oo xurguf ay u dhexeysay waqtiyadaan danbe ayaa ugu danbeyn maanta wada sheekeystay iyagoo isla soo qaaday arimo ku saabsan sidii ay u xalin lahaayeen wixii keenay in xiriirka labada dal uu xumaado.
Wararka ugu horeeya ee laga helaayo kulankooda ayaa sheegaya inay isla garteen inay sii wadaan is aragooda islamarkaana ay is booqdaan marka ay dalalkoodii ku laabtan.
Xiriirka Labadaa n Dal ayaa xumaaday sanado ka hor mar ciidamada Israel ay dileen dad Turki ah oo la siocday markab gar-gaar u sida dhulka reer Falastiin gaar ahaan Gaza xili Isra’iil diiday in markab uu usoo dhawaado.
Markabkii Turkiga ee siday shixnada gar-gaarka ayaa jabiyay amarkii Israel taasoo keentay in la laayo ilaa 10 ruux oo turki ah kuwaasoo la socday markabka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM