marka hore waxan salaamayaa shacabka soomaaliyeed meel kastay joogaan,

saraakiisha xukuma ciidanka kommaandooska Danab waxay bilaabeen inay siyaasad ka dhex aloosaan ciidanka,

run ahaantii isma lahayn labada kun iyo koob iyo labaatankaad (2021) arkaysaa nin masuul ah oo kala guraya dadka Soomaaliyeed,

saraakiisha ugu saraysa ciidanka Danab waxay dagaal kula jiraan saraakiisha ay xukumaan ee kasoo jeeda deegaan ahaan Somaliland,

laga yaabee inay siyaabo kala duwan u arkaan hadalkayga shacabka soomaaliyeed laakiin waxa ka dhex socda Danab waa mucjiso iyo fajac ku cusub ciidanka xoogga,

waxay madaxdii aanu islahayn ku dayda oo aanu ku ixtiraameyney calanka garabka noo wada sudhan iyo derejada quruxda badan,

waxay bilaabeen inay noogu xoog sheegtaan derejada iyagoo kasoo qaaday saraakiisha reer Somaliland sidii dad shisheeye ah aan xaq iyo xuquuq toona ku lahayn dalkan,

madaxda Danab waxay kusoo oogeen saraakiisha waqooyi deegaan ahaan ku suntan dembiyo been ah oo ay rabaan inay meesha ka bedelaan maadaama ay noqdeen kuwo ilaalinaya hantida qaranka oo inta ay joogaan aanay madaxdu xataa xabad aake ah sharci darro ku qaadan karin,

oo sheekadu waxay gaadhey heer madaxdayadii noogu hanjebaan dil hadaanu meesha siijoogno oo waxa jooga markhaantiyo cadaynaya hadii loobaahdo,

maah-maah soomaaliyeed baa waxay ahayd dheriga waxa karka ka keenay dabka oo maanta waxay xaaladu ku khasabtay qaar kamida saraakiishii inay baxsadaan intaan gacan loola tegin oo lama hayo raq iyo ruux,

xaqiiqdii saraakiisha reer waqooyi waxay ubaahan yihiin in cadaaladda loogu hiiliyo oo cid kasta oo jecel midnimada Soomaaliya waxay dareensan yihiin dhibaatada loomarayo midnimada Soomaaliya,

xukuumadda waxaanu ka codsanaynaa inay dhibaatadaa wax ka qabato oo intii ay kaambeynka siyaasadeed ku mashquulsanayd ayay waxani dheceen,

mucaaradka iyo musharixiinta ku loolamaya hanashada talada dalka iyagana waxaanu ka codsanaynaa inay dhibanayaashan hooyooyinkood iyo guryohoodii uga yimi midnimada Soomaaliya inay af iyo cadaalad ugu hiiliyaan,

anigu waxan u arkaa toban sarkaal oo maanta Hargeysa dib ugu noqdaa inay tahay jab iyo aafo qaran oo wiiqaysa wacyigelintii iyo dedaalkii loogu jirey midnimada Soomaaliya,

rag cadaalad waayey sida cawsha kala yaac waxan uga socdaa qofka marka lagula koco dulmi iyo xad gudub ogow in wax walbi ka suurtoobaan,

ugu dambayntii madaxda Danab waxan xusuusinayaa anaga weli waxaad tihiin saraakiishii naxukumayey oo waxanu uhogaan sanahay xeerarka iyo shuruucda ciidanka hadaba waxanu idinka codsanaynaa inaad cadaalad nagu xukuntaan oo ka talisaan aayaha iyo mustaqbalka shacabkan rafaadsan ee colaaduhu naafeeyeen,

FG: anagu waxaanu uhogaan sanahay awaamiirta ay nafarayaan madaxdayadu oo marna kama talaabsan karo xeerka ciidanka xoogga Soomaaliyeed oo taliyaha ciidanka xoogga iyo cid kasta ay khusayso waxaanu usoo gudbiney dacwad iyo cabasho balse waxba lagama qaban.

Qalinkii: M.A.A (Xaaji)

fadlan hadaad jeceshahay midnimada Soomaaliya qoraalkan faafi oo like iyo Share cadaaladda ku taageer laga yaabee inuu gaadho cid wax ka qabatee.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here