Madaxeynaha wadanka Algeria oo ka digay in Liibiya laga dhigo Soomaaliya oo kale..

0

Xili Dalka Liibiya uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo Maleeshiyaad kala taabacsan Kooxo kala Duwan,ayaa Madaxeynaha wadanka Algeria ee dhaca waqooyiga Qaaradda Afrika, Cabdil-Majiid Tabuun uu Mar kale si qaldan ugu soo qaatay Somaliya dalkaasi.

Cabdil-Majiid Tabuun oo shalay hadal siiyey warbaahinta ayaa soo qaatay tusaale uu ku liidayo Soomaaliya, isaga oo ka digay xaaladda ay ku socoto Liibiya iyo fara-gelinta shisheeye in laga dhigo Soomaaliyada cusub oo kale.

Madaxweynaha Algeria ayaa tilmaamay in la wada ogyahay xaaladda Soomaaliya, Liibiyana haatan ay ku socoto tubtaas, sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Qabiilada Liibiya haatan la hubeynayo, iyada oo dano gaar ah laga leeyahay, si ay dagaallada ka socda dalkaas qeyb uga noqdaan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here