XARARDHEERE (DAYNIIILE.COM)- Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal ay fuliyeen waxay ku qaaraiiyeen madaxii Alahabaab ee Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Sarkaalkaan oo magaciisa lagu sheegay  Bashiir Ciidle Bare waxaa lagu diley deegaan dhaca duleedka Magaalo xeebeedka Xarar-dheere.

Advertisement

Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyay dilka sarkaalkaasi oo ay ku eedeeyeen inuu dhibaato ku hayay ,sarkalkaan wuxuu Alshabaab  u qaabilsanaa  qaadista zakawaadka xili dadka deegaanku xuseen inuu uga qaadi jirey qaab aysan raali uga ahayn.

Howlgalka dilaan ayaa ku soo aadaya xili Alshabaab shalay laga saaray magaalda Caad oo istaraatiiji u ahaa madaama ay ahayd magaaladii ugu danbeysay oo ay ka joogeen Gobolka Mudug.

Dhanka kale dhanka kooxda Alshabaab wali wax wara kama soo saarin warkaan sheegaya in sarkaal sare looga dilay Gobolka Mudug gaar ahaan duleedka Xarardheere.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleMidowga Afrika Muxuu ka yiri damaca Itoobiya
Next articleMaamulka G/Banadir oo kulan dhiiri-gelin ah u sameeyay ciyaartoyda Gobolka oo Galabta wajahaya Hirshabelle+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here