Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayay hortaala wareegtada xilka qaadista Talisyada ciidamada xoogga dalka iyo Booliska, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyey in dhammaan qeybaha uu ka kooban yahay Taliska xoogga dalka loo diyaariyey Isbedel cusub, iyadoo oo ay dhalinyarro firfircoon hoggaamadooda joogeen, laguna bedelay xubno taabacsan Madaxweynaha.

Taliska ciidamada xoogga dalka ayaa lafilayaa in loo dhiibo, Sarkaal kasoo jeeda dhinaca Puntland, kaas oo horey uga mid noqday ciidamada DANAB, balse aan hadda toos uga tirsaneyn, maalmihii u dambeeyeyna Madaxweyne Xasan u dhiibtay qeyb kamid ah (Galka ciidamo loo qaaday meel kabaxsan Soomaaliya), inkasta oo qaar kamid ah saaxiibada Madaxweynuhu dood ka keenen da’ada iyo khibradiisa.

Taliyaha ciidanka Lugta, Taliyaha Gorgor iyo Abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka ayaa iyana laqorsheynayaa isbedelkooda isla wareegtada Madaxweynaha.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa loo wadaa qof uu ku kalsoon yahay Madaxweyne Xassan oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kaas oo hadda qeyb ka ahaa mashruuca qorida ciidamo Soomaali ah oo ay qoranayeen dawladdaha Imaaraatka & Masar, kaas oo laga waday Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here