Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur iyo Agaasimaha KMG ee NISA Bashiir Goobe ayaa hadda Madaxtooyada kulan kula leh Madaxweyne Farmaajo, iyadoo uu wehliyo Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo labadii cisho ee la soo dhaafay waday dadaalada xalinta khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Kulankan ayaa ah kii u horreeyay ee fool ka fool ah oo Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur ay yeeshaan, tan iyo markii uu Farmaajo si adag u diiday magacaabistii Wasiir C/llaahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here