HomeWarkiiMadaxtooyada oo maanta shaacineysa shirka mucaaradka ay la leedahay iyo goobta lagu...

Madaxtooyada oo maanta shaacineysa shirka mucaaradka ay la leedahay iyo goobta lagu qaban doono

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aad loo hadal hayaa inuu maanta si rasmi ah uga hadlo arinta shirkii ay dalbadeen mucaaradka Dowlada Somalia gaar ahaan Golaha Mustaqbalka kuwaasoo shirkii Kismaayo Madaxweynaha u qabtay in ilaa 20-ka bishaan oo 2 maalin ka harsan tahay uu ku qabto shirka.

Wararku waxay tilmaamayaan in Madaxweynaha oo calaama saarkii shalay lagu waday inuu arintaan ka hadlo ayaan marna soo hadal qaadin balse maanta ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo shirkaasi halka lagu qaban doono iyo waqtiga la qaban doono intaba .

Warar ku dhaw dhaw Madaxweynaha ayaa sheegaya in qorshaha Madaxweynuhu yahay in shirkaan mucaaradka uu noqon doono mid furan oo dhamaan mucaaradka ay ka qeybgeli doonaan taasina waxay u badan tahay in Mucaaradka Golaha mustaqbalka inay qaadacaan qorshahaani.

Mucaaradka Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin Samatabixinta iyo maamulada Jubaland iyo Puntland waxay doonayaan in shirkaani dhankooda iyo Madaxtooyada kaliya inay yeeshaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -