Debretion hogaanka Baxsadka ah’ ee TPLF ayaa ka hadlay arimo badan’ isago madaxwaynaha Maraykanka Joe Biden ugo baaqay inuu xaalada Ethiopia soo Faro galiyo’ gaar ahaan Gobalka Tigray’ waxaana kamid ahaa hadaladisii.

Debretion: Tigray waxaa ka dhacaya ma ahan wax hadal lagu Qeexi karo’ Bila’adanimada wax kabaxsan ayaa ka dhacay’ Wada jir ayay ciidamada Ethiopia iyo kuwa Eritrea xasuuq uga gaysteen Degankeena iyago kufsi, dil, dhac, iyo burburin iskoogu Daray’ Shacabka Tigray.

Waxaan ogu Baaqaynaa guud ahaan caalamka inay soo Gadhaan xaalada xun ee Kataagan Tigray’ madaxwayne joe biden waa inuu Toos uso fara galiyaa Waxa ka socda Gobalka’ waxaad indhaha kasii Qarsan kartaan ma ahan.

Dhanka kale Debretion wuxuu sheegay inay Dagaalo laysku hubtay ka socdaan Gudaha Degaanka Tigray” wuxuuna yidhi Dadkeena ayaan Bad baadinaynaa’ isago sheegay inuu cadaw kuso duulay waa sido hadalka udhigaye.

sido kale wuxuu sheegay Debretion inaa kumanaan qof oo shacab ah lagu dilay gobalka Tigray into socday Dagaalku’ wuxuuna ku edeeyay inay ciidamada Ethiopia, maleeshiyadka Axmaarada, iyo Milatariga Eritrea’ xasuuqas gaysteen’ iyagon ukala soocin dumar’ caruur ‘iyo waayeel’ waa sido hadalka udhigaye.

La wadaag saxiibadaa oo share dheh.

Ogaadenia media isha wararka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here