Madaxweye Donald Trump oo   loo qaaday cisbitaalka si loo daweeyo, ka dib markii laga helay xanuunka COVID-19

0

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa  loo qaaday cisbitaalka si loo daweeyo, ka dib markii laga helay xanuunka COVID-19, xilli maamulkiisa iyo ololihiisa doorashadu ay ka shaqeynayaan sidii ay wax uga beddeli lahaayeen xaaladdan cusub ee soo korortay. Qiyaastii 17 saacadood ayaa laga joogaa markii shaaca laga qaaday in madaxweynuhu uu coronavirus qaaday.

Markii cisbitaalka loo qaadayey, madaxweynaha ayaa isaga oo si aayar u socda ka soo baxay Aqalka, xilli ay sugeysay dayuurad helicopter ah oo u qaadday cisbitaalka militariga ee Walter Reed oo ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland ee duleedka magaalada Washigton, DC.

Madaxweyne Trump ayaa dhowrka maalmood ee soo socda joogi doono qeyb gaar ah oo cisbitaalka ku taalla, taxadar dartii, sida ay sheegtay xoghayaha saxaafadda ee Aqalka Cad, Kayleigh McEnany.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here