HomeCiyaarahaMadaxweynaha Barcelona oo si cadho leh uga hadlay qorshaha Bilbao ee xannibaadda...

Madaxweynaha Barcelona oo si cadho leh uga hadlay qorshaha Bilbao ee xannibaadda heshiiska Nico Williams

XIGASHO LAACIB.NET

Madaxweynaha Barcelona, Joan Laporta, ayaa si kulul uga falceliyay wararka sheegaya in Athletic Bilbao ay qorsheynayaan inay u dacwoodaan La Liga si ay uga hor istaagaan  Barca inay bixiso lacagta lagu burburin karo qandaraaska Nico Williams.

Laporta ayaa yiri:

“Ma fahmin sababta ay Bilbao ugala hadlayaan La Liga arrinta Barcelona. Aniga ahaan, ma aha wax sax ah – balse taasi iyaga ayay u taallaa.”

Wararka ayaa sheegaya in wafdi ka socda Athletic Club ay ku sugan yihiin Madrid, halkaas oo ay rajeenayaan inay La Liga ku cadaadiyaan inaysan oggolaanin in Barcelona ay dhaqan geliso heshiiska lagu qaadanayo Nico Williams, iyagoo ku andacoonaya in Barca aysan weli si buuxda u xallin arrimaha dhaqaalaha.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona waxay si joogto ah u sheegtay in ay buuxisay xeerka 1:1 ee Financial Fair Play ee La Liga, taasoo u oggolaaneysa inay ciyaartoy cusub  diiwaangeliyaan iyagoo aan wax dhibaato ah qabin.

Nico Williams, oo 21 jir ah, ayaa ah bartilmaameedka ugu weyn ee Barca xagaagan, gaar ahaan tababaraha cusub Hansi Flick, kaas oo doonaya inuu xoojiyo garabka weerarka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -