Biden ayaa ballanqaaday inuu soo celin doono ruuxdii America islamarkaana uu dhisi doono lafdhabarta qaranka oo uu ku sheegay inay yihiin dadka dabaqadda dhexe ee shaqeeya.

Wuxuu intaasi kusoo daray inuu soo celin doono sumcaddii mareykanka uu ku lahaa caalamka islamarkaana uu xoogga saari doono sidii u mideyn lahaa shacabka Mareykanka.

Waxuu si gaar ah ugu mahad celiyay dadka madow ee African American-ka ah oo sheegay inay lafdhabar u ahaayeen guulihiisa.

Biden ayaa sheegay inuu Ahmiyaddiisa koowaad siin doono dagaalka ka dhanka Covid19 islamarkaana uu ka hormarsiin doono dhaqaalaha, isagoo intaa ku daray inuu magacaabi doono Isniinta soo socota guddi isugu jira Saynisyahanno iyo quburro caafimaad oo kala talin doona xakameynta Cororonavirus.

Biden oo 78 sano jira ayaa loo saadilanayaa inuu noqdo madaxweynihii 46aad ee iyo madaxweynihii ugu da’ada weynaa ee soo mara taariikhda Mareykanka

 

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here