Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka hadlay dadka kasoo horjeeda Maamulkiisa iyo in dhowr jeer loo diiday tegitaanka Magaalada Beledweyne.

Cali Guudlaawe oo Khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu xusayay Sanad-guurada 5aad ee Hir-Shabeelle ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay wada-hadal la galaan cid kasta oo kasoo horjeeda Maamulka Hir-Shabelele.

Waxaa uu sicad u sheegay inay tabasho laga ay jiri karto balse aysan macquul aheyn in la yiraahdo nooma imaan kartid, waxaana Bulshada uu ugu baaqay inay Maamulka la Shaqeeyaan.

Sidoo kale  Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan ay si cadaalad ugu Shaqeyn doonaan Shacabka kunool degaannada Hir-Shabeelle.

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here