Madaxweynaha maamulka Tigray Debretsion Gebremichael ayaa lagu soo warramayaa in uu ku baaqay in lasoo afjaro colaadda ka taagan gobolka isla markaana la bilaabo wadahadallo si xiisadda loo dejiyo.

Wuxuu mar sii horreysay Midowga Afrika ugu baaqay inay xaaladda faraha lasoo galaan si dalka looga badbaadiyo in uu galo dagaallo sokeeye.

Debretsion Gebremichael wuxuu ku baaqay in la qabto wadahadallo lagu joojinayo dagaalka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Si kastaba, dowladda federaalka Itoobiya waxay u muuqataa in mid aan diyaar u aheyn wadahadallo in lala galo gobolkan, khudbad uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu ku sheegay in dowladda ay soo gabagabeyn doonto hadafkii laga lahaa howlgalka.

Qaramada Midoobey waxay ka digtay in dagaallada ka socda gobolka Tigray in 9 malyan qof ay halis ugu jiraan in guryahooda ay ka qaxaan maadama la xiray waddooyinkii geli jiray gobolkaas

 

 

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here