Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Guddoomiye u magacaabay Gobolka Sanaag, Iyadoo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag isna loo magacaabay La taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Wareegtada ayaa u qorneed sidan:-

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dar-dar gelinta howlaha maamul iyo horumarineed ee Gobolka Sanaag.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Siciid Axmed Jaamac Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.
  2. Waxaa Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag Cali Xuseen Soomaali loo magacaabay La taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

 

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here