Madaxweynaha Dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa ka hadlay kulanka lagu wado inuu Dalka Masar kula yeesho Madaxweynayaasha Somalia iyo Masar kaasoo sedex goosood ah isagoona sii kashifay ujeedka shirkaasi.
Isaias Afwerki oo maanta ku wajahan Magaalada Al-Calamayn ee dalka Masar oo ah halka uu shirka ka dhacaayo ayaa sheegay inay ka wada hadli doonaan iskaashiga gobolka gaar ahaan amniga, wadajirka ah iyo xasilloonida.
Madaxweynaha Dalka Eritrea oo sii sharaxaya nuuca iskashiga sedexda Dal ayaa daboolka ka qaaday inay iska kaashanayaan amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed, Gacanka Carabta iyo Biyaha wabiga Nile
Hadalka Isaias Afwerki ayaa ku soo aadaya xili ay cirka isku shareertay khilaafka dhanka diblomaasiyada ee ka dhex taagan dalalka Masar iyo Itoobiya iyo Eritrea iyo Itoobiya kaasoo 48-dii saac ee tagtay gaaray in xitaa safaaradaha la kala gurto.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
