Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay iney taageera buuxda la garab istaagayaan dalka Ukraine si uu uga gaashaanto qabowga ku soo fool leh.

Shir ay leeyihiin deeq bixiyayaasha caalamiga ah ayaa ka billaabmaya Paris, kaas oo ujeedadiisu yahay in gargaar degdeg ah looga fidiyo Ukraine si looga caawiyo sidi ay uga gudbi lahayd xilliga jiilaalka.

Ku dhawaad 70 dal iyo hay’ado caalami ah ayaa isugu yimid magaalada Paris si ay uga wada hadlaan taageerada korontada iyo biyaha ee ay siin karaan Ukraine.

Madaxweyne Zelensky ayaa kulanka dalkiisa deeqda looga uruurinayo kula hadli doono fogaan arag.

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here