HomeWarkiiMadaxweynaha Faransiisku waa "nabad qabaa"

Madaxweynaha Faransiisku waa “nabad qabaa”

Sida aan ka soo xiganay BBC Somali Faransiiska ayaa sheegay in Madaxweyne Emmanuel Macron uu “nabad qabo” kadib markii laba qarax ka dhaceen caasimadda Suuriya ee Dimishiq, meel u dhow hoteelkii uu xalay ku hoyday iyo goob uu kula kulmayay kooxaha bulshada rayidka ah.

Telefishinka Suuriya ayaa sheegay in 18 qof, oo ay ku jiraan afar askari oo boolis ah, ay dhaawacmeen. Waxaa la arkay holac iyo qiiq badan, iyadoo shaqaalaha gurmadku ay goobta joogeen.

Ilo amni ayaa sheegay in qaraxyadu dhaceen kadib markii kolonyada Madaxweyne Macron ay ka dhaqaaqday goobta una gudubtay Qasriga Madaxtooyada, halkaas oo uu ku qaabilay Madaxweyne Axmed al-Sharaa.

Paris waxay sheegtay in booqashadu oo ah tii ugu horreysay ee hoggaamiye reer Galbeed ah ku tago Suuriya kadib xilligii Bashar al-Assad ay sii socon doonto sidii loo qorsheeyay.Suuriya iyo Faransiiska

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -