Dhuusamarreeb 20-ka November 2025: Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta guddoomiyay Shirka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirrada Dowladda Galmudug.
Ugu horreyn ayaa lagu dhageystay shirka warbixino ku saabsan xaaladda guud ee amniga deegaannada Galmudug, iyadoo sidoo kale warbixin ballaaran laga dhageystay Wasaaradda Dekadaha oo ku saabsaneyd Dhismaha Dekada Hobyo. Waxaa sidoo kale shirka Golaha looga hadlay arrimaha dardargelinta doorashooyinka qof iyo codka ah.
Dhinaca Kale Wasaaradda Diinta & Awqaafta ayaa soo jeedisay hindise sharciyeedyada kala ah Xeerka Golaha Culimmada iyo Xeerka Dugsiyada Qur’aanka Galmudug, si ay u maraa. akhrinta koowaad.
Sidoo Kale, Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa soo jeedisay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Dadka Baahiya Gaarka ah qaba.
Ugu danbeyntii, Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guryeynta ayaa Golaha hor keentay ansixinta xeerka fasaxa dhismaha Galmudug ( Building Permit) ayadoo Goluhu si aqlabiyad leh u ansixiyeen.
Dhammaad.























