Madaxweynaha maamulka Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa Maanta magacaabay Taliyaha ciidanka Daraawiishta maamulka Hiiraan state ee degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Wareegtada kasoo baxday Xafiiska madaxweyne Cali Jeyte ayaa Taliyaha ciidanka Daraawiishta Hiiraan State ee degmada Matabaan waxaa loogu magacaabay Cumar Irsaq Cabdi.

Wareegtada waxaa sidoo kale lagu faray hay’addaha amaanka oo ay quseyso iney la shaqeyaan Taliyaha cusub ee ciidanka Daraawiishta degmada Matabaan ee maamulka Hiiraan State.

Magacaabista Taliyaha ciidanka Daraawiishta degmada Matabaan ee maamulka Hiiraan State ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo degmada Matabaan ay ku sugan yihiin maamul hoostaga Hirshabeelle oo horay u taageeray xilka qaadistii uu ku sameeyay madaxweyne Guudlaawe Cali Jeyte Cismaan.

Advertisement

Madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa maalmahii ugu dambeeyay sameeyay magacaabista xil kala duwan oo ka mid ah maamulka Hiiraan State sida guddoomiyaal iyo Taliyeyaal ciidan.

Hoos ka akhriso Wareegatada magacaabista:-

Previous articleMagafahii ugu weynaa ee Soomaliga ahaa oo dalka Liubiya lagu qabtay
Next articleSomaliland iyo SSC Khaatumo oo midba midka kale ku eedeeyay in uu qaaday dagaalkii shalay ka dhacay bariga Laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here