Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uuna qeyb ka yahay kuxigeenkiisa Yuuusf Axmed Hagar Dabageed oo ku sugnaa Bilihii la soo dhaafay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta waxaa ay dib ugu soo laabteen Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.

Wafdiga oo ay qeyb ka ahaayeen mudanayaal katirsan labada Gole ee Hir-Shabeelle iyo Saraakiil Ciidan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuxigeenadiisa, maamulka Magalada Jowhar iyo Xubno kale.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo Magaalada Beledweyne tegay 6-dii Bishii Febaraayo ee sanadkan 2022 ayaa halkaasi kusoo dhameeyay doorashada Golaha Shacabka, sidoo kalena uu wada-hadallo kusoo dhameeyay dadkii diidanaa Maamulka eek u sugan Beledweyne.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhawaan sidoo kale amri doona in la bilaabo doorashada kuraasta ku harsan Magaalada Jowhar & kursiga Hop#135 oo ay ka geeriyootay Aamino Maxamed Cabdi  oo la sheegay in doorashadiisa lagu qabanayo Magaalada Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here