Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Jowhar Axmed Meyre Makaraan iyo Madaxweynihii hore ee  Dowladii kumeel gaarka aheed ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh ahmed ayaa Deeganka Burka Dirimeed kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Degaanka Burka Dirin oo ah goobta ay fidsantahay gogosha nabadeed ee beelaha walaalaha ee ku dagaalamay Deegaano u dhaxeeya Degmooyinka Cadalle iyo Raagaceelle

Advertisement

Shirka dib u hishiisinta beelahan walaalaha ayaa si rasmi u furmi doona saacadaha so socda waxaana goob joog ah Odoyaasha dhaqanka labada dhinac Imaam Daahir Imaam Mohamuud iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaaas oo maalmihii u dambeeyey waday sidii xal looga gaari lahaa dagaalada so laalaabtay ee u dhaxeeya Bulshada wada degta Deeganada Ragacelle iyo Cadalle.

Previous articleRa’iisul wasaaraha Sweden oo ‘aad uga walwalsan Gubida kitaabka Quraanka ‘ iyadoo qaar badan ay codsadeen in la gubo Qur’aanka
Next articleMW Xasan Sheekh oo Mareykanka kala hadlay Arrin la xiriirta Cunaqabateyn Maaliyadeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here