HomeWarkiiMadaxweynaha Iran oo sheegay inay dhici karto in shacabku ka qaxaan Caasimada...

Madaxweynaha Iran oo sheegay inay dhici karto in shacabku ka qaxaan Caasimada Tehran sababo uu ku sheegay……..

TEHRAN (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dalka Iiraan ayaa sheegaya in abaaro ba’an ay ka taagan tahay dalkaasi si gaar ah caasimada Tehran kadib markii la waayay roobabkii di’i jirin waxaana durba ka hadlay masuuliyiin ka tirsan Dowlada kuwaaasoo walaal badan muujiyay.

Abaartaan Iran ku qabsatay waxaa la soo sheegayaa inay tahay tii ugu horeysay nuuceeda ,roobka ayaa gaaray heerkii ugu hooseeyay, sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in kaydadkuna faaruq sii noqonayo.

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian  ayaa ka hadlay abaartaan iyo biya la’aanta dalkiisa soo wajahday,waxaana caasimada Iiran ee Teheran laga soo sheegayaa in  dhibaatada biyaha durba ay saameyn ku yeelatay nolol maalmeedka dadka ku dhaqan Magaaladaasi.

Madaxweyne Masoud Pezeshkian wuxu sheegay in hadii dhibaatadu sii taagnaato islamarkaana roobabku iman ay biyaha Tehran ibeeqaamin doonaan,masuuliyiinta  kale ee dalka ayaa iyaguna shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan biyaha hadii abaaruhu sii socdaaan.

Sidoo kale Madaxweynaha wuxuu ka dhawaajiyay inay dhici karto in shacabku isaga baxaan Tehran oo ay ka daabulaan sababo uu ku sheegay hadii abaartu sii socoto oo musiibo isu badasho inkastoo duqa Magaalada Tehran uu warka Madaxweynaha ku tilmaamay mid kaftan ah isagoona sheegay ineysan jirin sabab keeni karta in shacabka laga saaro Tehran.

Dhanka kale kooxda Dalka Iran ugu qaabilsan saadaasha hawada ayaa iygaubna shaaciyay in 10-ka maalin ee soo socota aan la fileyn wax roobab ah,

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMadaxweynaha Iran oo Qaramada Midoobay ku eedeeyay in ay wax ka qaban  weysay colaada bariga dhexe - Kaab TV

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -