HomeWarkiiMadaxweynaha Israa'iil oo Davos ku qaabilay Madaxweynaha Maamulka Somaliland

Madaxweynaha Israa’iil oo Davos ku qaabilay Madaxweynaha Maamulka Somaliland

DAVOS (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa warbaahinta u sheegay inuu Magaalada Davos ee dalka Switzerland kula kulmay C/raxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ah Madaxweynaha maamulka Somaliland  ee Gobolada Waqooyiga Soomaaliya xili 26-kii bishii December Natanyahu ku dhawaqay inuu Dowlad ahaan u aqoonsadeen Somaliland.

Madaxweynaha Israa’iil wuxuu sheegay inuu aad u soo dhaweynayo la kulanka C/raxmaan Cirro ,sidoo kale wuxuu sheegay inuu soo dhawenayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labadooda dhinac

“Waxaan soo dhoweynayaa  xiriirka diblomaasiyadeed ee labadeenna dal, waxaana rajeynayaa in aan sii xoojinno iskaashiga laba geesoodka ah ” ayuu yiri Madaxweynaha Israa’iil walow aqoosni ku sheegooda uu yahay mid iyaga uun ku eg Madaama Dunida oo dhan ay ka soo horjeesatay isku deyga qaranka Somaliyeed lagu kala qeybinayo.

Lama yaqaan meesha ay sida rasmiga ah ugu kulmeen labadaan madaama shir caalami ah oo dhaqaalaha looga hadlayay uu shalay ka socday Magaalada Davos mana lagu cadeyn hadalka Madaxweynaha Israa’iil inuu gudaha hoolka shirka kula kulmay Cirro

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog  ayaa bartiisa X oo hore loo oran jirey Twiter ku shaaciyay sawirada kulanka isaga iyo C/raxmaan Cirro.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -