Madaxweynaha Jamhuuriyadda Togo, Faure Gnassingbé ayaa maanta dalkiisa ku soo dhaweeyay dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo wafdi balaaran oo la socday.

Madaxweyne Erdogan iyo wafdigiisa ayaa loogu qabtay xarunta Madaxtooyada dalka Togo xaflad soo dhaweyn ah.

Labada Madaxweyne ayaa yeelan doona kulan gaar ah kadibna waxaa dhici doona kulan guud oo ay ka qeyb gelayaan Wasiirada labada dal, waxaana lagu wadaa in kulumadaas kadib ay kala saxiixan doonaan labada dal heshiisyo dhanka ganacsiga, amniga iyo waxbarashada ah.

Madaxweyne Erdogan ayaa Axaddii la soo bilaabay safar uu ku marayo dalalka Angola, Togo iyo Nigeriya, si loo sii xoojiyo iskaashiga cusub ee Turkigu la leeyahay Qaaradda Afrika.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here